Afar qof oo lagu dilay dibedbaxyada Cameroon

Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay mudaaharaadyo ka dhacay caasimadda dhaqaalaha ee dalka Cameroon ee Douala, sida ay masuuliyiintu sheegeen, ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada doorashada madaxtinimada ee sida weyn loogu tartamayo.

Barasabka gobolka, Samuel Dieudonnรฉ Diboua, ayaa sheegay in fariisimaha booliiska la soo weeraray, ciidamada ammaankana ay iska difaaceen.,

Boqolaal ka mid ah taageerayaasha musharraxa madaxtinimada ee mucaaradka, Issa Tchiroma Bakary, ayaa ka hor yimid mamnuucidda dibad-baxyo lagu qabto magaalooyin dhowr ah, iyadoo ay isku dhaceen ciidamada ammaanka.

Tchiroma Bakary, ayaa ku adkeystay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dhacday 12kii Oktoobar, isagoo la tartameyay madaxweynaha xilka haya Paul Biya oo 43 jir ah. Xisbiga talada haya ee CPDM ayaa diiday sheegashadaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker