Zelensky oo ku sugan UK iyo ballaanqaadyo cusub oo ay Ukrayn heshay
Volodymyr Zelensky ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Ingiriiska taageerada ay siisay “tan iyo bilowgii dagaalka, laakiin gaar ahaan hadda taas oo aad muhiim u ah.”
Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, inuu Ukraine u riixayo xaalad musiibo bini’aadanimo ah.
“Putin ma muujinayo doonis uu ku joojinayo dagaalka,” ayuu raaciyay.
Isagoo ku fadhiya agtiisa, Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa mar kale xaqiijiyay “ballanqaadka buuxa ee Britain ee la dagaallanka gardarrada Ruushka.”
Starmer isagoo ku amaanaya Zelensky “geesinimadiisa iyo adkeysigiisa” ayuu yidhi: “Waxaan ka aragnaa Putin inuusan gabi ahaanba doonayn inuu wadahadal galo.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan aaminsanahay in toddobaadkan aan dhab ahaantii cadaadis weyn saari karno shidaalka iyo gaaska Ruushka,” isagoo sheegay in horeyba “horumarro waaweyn loo sameeyay toddobaadkan.”
Starmer wuxuu ku tilmaamay Britain inay tahay “saaxiibka iyo taageeraha ugu dhow” ee Ukraine, balse wuxuu qirtay in “ay jiraan waxyaabo kale oo aan qaban karno, gaar ahaan dhinaca awoodda gaar ahaan awoodda weerarada fog iyo dammaanadaha amniga marka waqtigu yimaado.”




