Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo hirgelinaya abaalmarinta qaranka ee hal-abuurka Teknoolajiyada
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa hirgelinaya abaal-marin madaxweyne oo cusub oo lagu dhiirrigelinayo hal-abuurka teknoolajiyada ee dhalinyarada Somaliland.
Abaal-marintan oo lagu magacaabayo ‘Abaalmarinta madaxweynaha ee hal-abuurka Teknoolajiyada dhalinyarada Somaliland‘, waa abaalmarin heer qaran ah oo uu madaxweynuhu ku maamuusayo dhalinyarada la timaadda hal-abuur dhinaca teknoolakiyada ah, sida barnaamijyo iyo kaabayaal teknoolajiyadeed oo daboolaya baahi jirta, ama shaqo fududaynaya, dedejinaya ama waxtarkeeda kordhinaya.
Abaalmarintan waxaa mutaysanayaa muwaadin kasta oo dhalinyaro ah oo kaalinta u sarraysa ka gala, tartanka hal-abuurka dhalinyarada ee teknoolajiyada oo ay xukuumaddu sannadle u qabanayso. Waa hindse uu madaxweynuhu dhalinyarada ku dhiirrigelinayo barashada iyo ka faa’idaynta teknoolajiyadda, sidoo kalana ay dhalinyaradu ka helayso abaalmarin lacageed, si ay ficil ugu beddelaan hal-abuurkooda.




