Tirada Bambaanooyiinka Nukliyeerka ee ay Iran sameysan karto oo wax laga ogaaday
Guddiga caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka ayaa sheegay in Iran ay haysato 400 oo kiilogaram oo Yuranium ah oo la tayeeyay ilaa 60 boqolkiiba.
Madaxa guddiga Rafael Grossi ayaa sheegay in uranium-ka Iran ee la hodmay ay ka yar tahay qayb ka hooseysa heerka loo baahan yahay si loo sameeyo hubka nukliyeerka.
Waxa uu sheegay in haddii diblumaasiyadu ay ku guuldareysato inay ka hortagto Iran inay sameysato hubka Nukliyeerka, ay jirto cabsi ah in mar kale xoog loo adeegsado Iran.
Rafael Grassi ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in haddii Iran ay sii wado geedi socodka tayeynta, “Iran waxa ay heysataa walxo ku filan oo ay ku sameyso toban bam oo Nukliyeer ah.”
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyay “ma jiraan wax caddaynaya in Tehran ay rabto inay dhisto hub nukliyeer ah,” laakiin sida uu sheegay, “waxaa lagama maarmaan ah in la hubiyo in kormeerayaasha Guddiga Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada loo ogolaado inay mar kale yimaadaan Iran.”
Mar la weydiiyay sababta uu u maleynayo in Iran aysan ku talo jirin in ay sameysato hub Nukliyeer ah, ayuu yiri “Weerarada Israa’iil ka hor, kormeerayaal ka socda guddiga caalamiga ah ee tamarta nukliyeerka ayaa booqday goobahan, tan iyo markaas, waxaan kormeereynay goobahan annagoo kaashanayna sawirada dayax-gacmeedka, wadamada kale ee la socda barnaamijka Nukliyeerka Iran ayaa iyaguna ku raacsan arrintan,” ayuu yiri




