ICJ oo ka tala bixinaysa mamnuucida Israa’iil ee UNRWA

Maxkamadda caalamiga ah ee caddaalada (ICJ) ayaa la filayaa inay go’aan la talin ah ka soo saarto dhowaan oo ku aadan waajibaadka sharciga ee Israa’iil ay ka saaran tahay in ay u oggolaato gargaar bini’aadanimo dadka reer Falastiin iyo in ay la shaqayso hay’adda Qaramada Midoobay ee gargaarka Falastiiniyiinta, UNRWA.

Fikirka la talinta ee maxkamadda ayaa waxaa codsaday golaha guud ee Qaramada Midoobay ka dib markii Israa’iil ay mamnuucday UNRWA, iyada oo ku eedeynaysay in la shaqaynayso Xamaas. Hay’adda UNRWA ayaa beenisay eedeymahaasi.

Inkasta oo go’aanka maxkamadda aanu sharci ahaan khasab ahayn, haddana wuxuu leeyahay miisaan anshax iyo mid diblomaasiyadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker