Xaaska Erdogan: Maalinti aan Soomaaliya joogay, waxaan u ooyay si aan weligey u ooyin
Emine Erdogan oo ah marwada koowaad ee dalka Turkiga, ayaa la filayaa in ay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku soo bandhigto buug ay ka qortay booqashooyin ay ku tagtay dalal Afrika ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Isniinta ayay markii ugu horreysay buuggan kula wadaagtay xaasaska madaxweyneyaasha kale ee ka qayb galaya shirkada New York ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobeey, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.
Buugan waxay ku cabiraysaa khibradda ay ka heshay safarradii ay ku martay qaar ka mid ah wadamada Qaaradda Afrika.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xaaskiisa ayaa Axadda u duulay Mareykanka, si ay uga qayb galaan shir madaxeedka sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay.
Buugga ay qortay Emine, oo ay ku magacowday “My Travels to Africa” -(safarradii aan ku tagay Afrika) – ayaa sidoo kale loo qaybin doonaa wakiillada ka kala socda hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaanno NGOs iyo madaxda wasaaradaha Arrimaha Dibadda.
Emine Erdogan hooyadeed ayaa loo hibeeyay buuggan, waxa uuna si buuxda uga sheekeynayaa safarradii ay xaaska Erdogan gashay intii u dhaxeysay 2014-kii ilaa 2020-kii ee ay ku tagtay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Aljeeriya, Itoobiya, Tanzania, Mozambique iyo Senegal.
Waxaa buuggan iibintiisa laga billaabi doonaa gudaha Turkiga billowga bisha October, waxaana lagu daabici doonaa luuqadaha kala ah Turkish, Ingiriis, Faransiis, Carabi iyo Sawaaxili.




