Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ”Qofku jiiraankiisa ma doorto rabbigiisa u doora’’
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab oo ka hadlayay furitaanka gogosha nabadda Ceerigaabo ayaa sheegay xukuumadooda ay ka go’an tahay nabad ku soo celinta gobolka.
Nabbad gelyada deegaanka ayuu sheegay inay masuul ka tahay xukuumada Somaliland, ayna tahay in looga dambeeyo.
‘’Beelaha walaalaha ah waxaan lee yahay illaa qiyaamuhu dhacayo waad wada noolaanaysaan, meel kala tagi maysaan, qofku jiiraankiisa ma doorto rabbigiisa u doora’’ ayuu yidhi




