Xukun Lagu Riday Nin Dirayska Ciidanka Shacabka ku Baadhan Jiray
Maxkamadda Ciidamada Qaranka ee Darajada 1aad ayaa maanta xukun afar (4) sannadood oo xabsi ciidan ah ku riday Dambiile Cabdinaasir Cabdi Cali, ka dib markii lagu helay dembi ah in uu si sharci-darro ah u xidhnaa dirays ciidan, isla markaana uu bulshada ku badhanaayay isagoo sitay dirays iyo darejo been abuura ah.
Ciidamada Booliska JSL ayaa dambiilaha gacanta kusoo dhigay dhawaan, iyagoo ku qabtay alaabo kala duwan oo soo xaday , waxaana la ogaaday inuu hore uga tirsanaa Ciidanka Milatariga, balse muddo ka hor laga ruqseeyay Ciidanka.
Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu digniin adag u dirayaa cid kasta oo aan ka tirsanayn Ciidamada Qalabka Sida, xidhatana dirays ciidan ama isticmaala calaamadaha iyo darajooyinka Ciidamada.




