Nin ku eedeysnaa inuu gabdho ku kufsaday Qardho oo Interpol ka dejisay Muqdisho

Warsaxaafadeed uu soo saaray xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jaamac Cabdi Maxamuud oo ku eedeysnaa kufsi laga soo dejiyay garoonka Muqdisho.

Ninkan ayaa la sheegay in sidoo kale lagu eedeeyay duubis iyo baahin muuqaallo anshax xumo ah oo uu ku sameeyay haween, magaalada Qardho ee gobolka Bari ee Puntland.

Xafiiska oo kaashanaya booliiska caalamiga ah ee Interpol ayaa sheegay in Jaamac laga soo qabtay dalka Rwanda shalayna laga soo dejiyay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde. Waxaa warsaxaafadeedka ku xusan in uu haatan ku jiro xabsiga qeybta baarista dembiyada booliiska dhowaanna la soo taagi doono maxkamad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker