๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐๐จ๐ -๐ฐ๐๐ซ๐ซ๐๐ง ๐๐ก ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ-๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ง๐ค๐ ๐ฅ๐๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฅ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐๐ก๐ ๐๐๐ฑ๐ค๐๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan muhiim ah oo Xog-warran Qaran ah la yeeshay Shir-guddoonka Labada Gole Qaran, Guurtida iyo Wakiillada iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Madaxweynuhu waxa uu Madaxda sare ee Laamaha Dawladda uga xog-warramay xaaladaha guud ee dalka iyo hannaanka ay u socdaan hawlaha Qaranku, gaar ahaan dhinacyada amniga, xasiloonida, arrimaha bulshada, horumarka iyo hab-sami-u-socodka Siyaasadda Arrimaha Dibedda.
Kulanka oo ahaa mid ku dhacay jawi ah wada-tashi Qaran, ayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu si guud uga xog warramay sida ay Xukuumaddu u wado qorshayaasha nabadda, amniga, horumarinta bulshada, dedaallada ictiraafka iyo kuwa diblumaasiyadeed, kuwaasi oo dhammaantood u socda si wacan.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka warbixiyey Safarradii Shaqo ee uu ku tagay Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, isaga oo ka hadlay nuxurka, ujeeddada iyo guulaha diblomaasiyadeed ee ay safaradiisu xambaarsanaayeen, isaga oo tilmaamay in labadan safar ay ahaayeen kuwo kor u qaaday xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalkaas, isla markaana xoojinaya iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, amniga, iyo siyaasadda gobolka.
Madaxweynuhu waxa uu Madaxda sare ee Laamaha Dawladda ku bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta sharciga, dimoqraadiyadda iyo habsami u socodka Hayโadaha uu Qaranka JSL ku dhisan yahay.
Iyaguna dhankooda, Shir-guddoonka labada Gole Qaran, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa Madaxweynaha ku bogaadiyay hannaanka la-tashiga, xog-warranka joogtada ah iyo daah-furnaanta dawladnimo ee uu hormuudka ka yahay, iyaga oo tilmaamay in wadashaqaynta noocan ahi ay kor u qaadayso kalsoonida ka dhaxaysa Hayโadaha Qaranka iyo mideynta goโaan-qaadashada qaran.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay in Somaliland ay ku tallaabsatay horumar iyo xasillooni siyaasadeed oo ay saldhig u yihiin Nabad, Dimuqraadiyad, Dawladnimo hufan iyo iskaashiga ka dhexeeya Hayโadaha Qaranka.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐




