‘Saaxiibkii’ Somaliland ee maanta meydkiisa lagu sagootinayo Kasumo iyo xidhiidhkii gaarka ahaa ee ka wada dhexeeyay.
Muddo 40 sano ka badan ayuu siyaasadda ku soo jiray. Kenya marka laga soo tago xiriir fiican ayuu lahaa caalamka iyo gobolka. Somaliland oo hadda ka hor uu booqday waxay ka mid tahay meelaha aadka looga taageero, oo uu xiriirka dhow lahaa siyaasiyiintooda.
Bishii Juun ayaa booqasho waxaa ku yimid Kenya madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan cirro oo ay markaas magaalada Nairobi kaga munaaqashoodeen sidii uu Raila ugu ololayn lahaa in ay Somaliland aqoonsi hesho.
War kasoo baxay afhayeenka madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige, ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray hagaajinta xiriirka labada dhinac oo dhinacyo kala duwan ah, sida nabadda iyo ammaanka, waxbarashada, isdhaafsiga dhaqan iyo qeybo kale.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha Afrika, iyagoo ku baaqay xal ay Afrika hoggaamiso iyo horumar loo dhan yahay.
“Waxa xusid mudan in Mudane Raila Odinga uu muddo dheer ahaa saaxiib dhaw iyo taageere mayal-adag oo ay Jamhuuriyadda Somaliland leedahay.”
“Intii uu socday kulanka ayaa labada hoggaamiye waxa ay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Kenya, iyo sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen xagga dhaqaalaha, isku socodka, aqoonta iyo arrimaha isteraatejiga ah.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Madaxweynaha Somaliland ayaa dhankiisa uga mahadnaqay “saaxiibtinimada soo jireenka ah ee uu Raila Odinga la leeyahay Somaliland iyo taageeradiisa”




