Masuuliyinta Dawlada Hoose ee Hargeysa oo lagu Eedeyaay Xadgudub
Komishanka xuquuqal Insaanka Qaranka Somaliland ayaa mas’uulliyiinta dawladda goose ee Hargeysa gaar ahaana fulinta ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen sumcadda iyo karaamada qaar ka mid ah shaqaalaha dawladda Hoose.
Guddida xuquuqal insaanka Somaliland ayaa sheegay in shaqaaahan oo aanay maxkamadi wax dembiya ku helin ay mas’uliyiinta dawladda hoose warbaahinta la wadaageen waxyaabo dhaawacaya sumcadda iyo karaamada shaqaalaha kana soo horjeeda xeerarka Somaliland.
Guddida xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa laamaha dawladda ee arrimahani khuseeyaan ugu baaqay in tallaabo sharci laga qaado mas’uuliyiinta fulinta dawladda hoose si aanay dib ugu dhicin arrimahan oo kale.
Arrintan ayaa daba socota kadib markii dhawaan shaqaale laga eryay dawladda hoose ee Hargeysa ay warbaahinta cabasho mariyeen balse masuulliyiinta dawladda hoose ayaa warbaahinta u sheegay in xubnahaasi galeen waxyaabo ay ka mid yihiin musuq-maasuq.




