Mareykanka oo sheegay inuu aaminsanyahay in Xamaas ay fulin doonto heshiiskii nabadeed ee Qaza
Sida aan horey u tebinnay, Xamaas waxa ay sheegtay in aysan heli karin meydadka la haystayaal kale oo Israa’iili ah – iyadoo Israa’iil ay dalbatay in dib loo soo celiyo, sidaas awgeed, waxaa su’aal la geliyay mustaqbalka xabbad joojinta Gaza.
Balse layaliyaasha Mareykanka ayaa meesha ka saaray sheegashooyinka ah in Xamaas ay ku xadgudbeyso heshiiska xabad joojinta ee ay la gashay Israa’iil iyadoo aan soo celin dhammaan meydadka maxaabiista dhintay.
La-taliyayaasha ayaa sheegay in “la rumeysanyahay” in la helayo dhammaan la haystayaasha nool, kuwaas oo ku jiray gacanta Xamaas.
Saraakiisha ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal dhamaan ciidamada looga saarayo Marinka Qaza iyo in la dhiso dowlad ku meel gaar ah oo cusub, iyadoo wadahadalo lagula jiro dalalka Carabta iyo Muslimiinta, kaas oo ku saabsan qaab dhismeedka ciidan caalami ah la rabo inay soo celiyaan xasiloonida.
Waxaan ku howlanahay “farsamayaal”, waxaana la shaqeyneynaa dhexdhexaadiyeyaasha si aan u soo saarno meydad badan “inta suurtagalka ah”, ayay yiraahdeen.




