Madaxweynaha Kenya ayaa ku dhawaaqay 7 maalmood oo ay ugu baroor diiqayaan geerida Odinga
Madaxweynaha Kenya William Ruto oo jeedinayay khudbad ayaa ku dhawaaqay 7 maalmood oo baroordiiq qaran ah ka dib geeridii raโiisul wasaarihii hore Raila Odinga.
Odinga ayaa xaalad caafimaad ku marayay Hindiya kahor geeridiisa, isaga oo ku dhintay daโaada 80 ka. Waxa uu ahaa siyaasi muhiim ah oo ka dhex muuqda siyaasada Kenya.
Ruto ayaa sheegay Odinga in uu ahaa aabaha dimuqraadiyada Kenya, uuna ka dhex muuqday hirgalintii Dastuurkii 2010 ay Kenya qaadatay.
Waxaa lagu xasuustaa Odinga inuu 5 jeer u tartamay madaxweynanimada Kenya oo dhammaantood uu ku guul daraystay. Mid kasta oo doorashooyinkaasi kamid ah waxa uu sheegay in lagu shubtay isaga oo qaadacay natiijooyinka ka soo baxay.
Taageerayaashiisa ayaa isugu soo baxay waddooyinkii subaxnimadii maanta oo Arbaca ah, gaar ahaan deegaanada uu siyaasad ahaan ku xooggan yahay ee Galbeedka Kenya




