Madaxweynaha Somaliland oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyaay Adis-Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa Madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dalka Itoobiya Gedion Timotheos iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.
Soo dhawaynta Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid uu hab-maamuuskeedu sarreeyo, waxa ay qaddar nasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee Garoonka Diyaaradaha Addis Ababa, kaddibna waxa loo galbiyey goobta ay degi doonaan magaalada Addis Ababa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker