“๐๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐ ๐๐ญ๐จ๐จ๐๐ข๐ฒ๐ ๐ฐ๐๐ ๐ข๐ง ๐๐๐ง๐ง๐ฎ ๐ฅ๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐ง๐จ๐ช๐จ๐ง ๐ฌ๐๐๐๐ซ๐ซ๐d๐ข๐ข ๐ฐ๐๐ฒ๐๐ ๐๐ก๐๐ ๐๐ ๐ก๐จ๐ซ๐”
Xisbiga mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE waxa uu soo dhaweynayaa toban bilood kadib in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu casuumad rasmi ah ka helo dawladda Itoobiya, iyadoo dhammaan Madaxweyneyaashii ka horreeyey ay bisha ugu horreysa ee muddo-xileedkooda heli jireen casuumadda safar ay ku tagaan Itoobiya.
Maadaama cilaaqaadka iyo danaha amni, ganacsi iyo dhaqan-dhaqaale ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ay aad u weyn yihiin, waxa aynu la soconaa in dawladuhu lahaan jireen xsidhiidh qoto dheer oo maalinba maalinta ka dambaysa sii korayey, kaasi oo ugu dambeyntii soo gaadhay in Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Raโiisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Abiy Ahmed ay wada saxeexdeen heshiis is-afgarad (MoU), kaasi oo dhigayey aqoonsi buuxa oo Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho Itoobiya, taas beddelkeeda ay Itoobiya saldhig millatari oo kiro ah ku yeelato Xeebaha Somaliland.
Haddaba, waxa shacbieynaha Somaliland ay ka sugayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland in aannu safarkiisu noqon mid ka meeqaam hooseeya safarradii madaxdii ka horreysay ku tagtay dalka Itoobiya, gaar ahaan kii lagu kala saxeexday heshiiskii is-afgarad (MoU) 1dii January 2024.
Waxa kaloo, Xisbiga KULMIYE waxa uu u soo jeedinayaa Madaxweynaha iyo weftigiisu in aannu safarkoodu noqon mid la mid ah safarradii weyda ahaa ee uu dibadda ugu baxay muddada 10ka bilood ah ee ku soo dhammaaday aamuusnaanta, waxaana looga fadhiyaa in aannu safarkani noqon mid dhaqaale lagu doonayo ama dano kale oo gaar ah ee waa inuu ka turjumayaa iib-geynta Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.




