๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐๐ซ ๐๐ก๐๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ญ๐จ๐จ๐๐ข๐ฒ๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa safar shaqo oo rasmi ah ugu baxay dalka Itoobiya, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Raโiisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed .
Safarkan ayaa ah mid xambaarsan ujeeddooyin diblomaasiyadeed oo miisaan leh, kaasi oo lagu xoojinayo xidhiidhka taariikhiga ah, iskaashiga istiraatiijiga ah iyo danaha muhiimka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo arrimaha isu-socodka.
Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay ku safreen Diyaarad Khaas ah. Inta Madaxweynuhu uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, waxa uu kulamo heer sare ah la yeelan doonaa madaxda ugu sarraysa dalka Itoobiya, kuwaasi oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga labada dal, kor u qaadidda ganacsiga iyo isu-socodka labada dal, iyo sidoo kale ka wada-shaqeynta nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha waxa safarkiisa ku wehelinaya wefti culus oo ka kooban: Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Madaxtooyada, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Maalgashiga; Taliyaha Ciidanka Qaranka, Agaasimaha Hayโadda Sirdoonka Qaranka.
Safarkani waxa uu muujinayaa muuqaalka cusub ee diblumaasiyadeed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sida ay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ugu dedaalayso in ay kor u qaaddo sumcadda, madax-bannaanida dhuleed iyo diblomaasiyadeed iyo kaalin muhiimka ee Somaliland ku leedahay Mandaqadda Geeska Afrika iyo Caalamka.




