Hamas oo u yeedhay 7,000 oo dagaalyahan si ay u xoojiso ammaanka Gaza
Xamaas ayaa u yeertay ku dhawaad 7,000 oo ka tirsan ciidamadeeda ammaanka si ay u xoojiyaan gacan ku haynta goobihii ay dhawaan ka saareen ciidamada Israel.
Waxa ay magacowday shan guddoomiye oo cusub, kuwaas oo dhamaantood leh xirfado ciidan, kuwaas oo qaarkood ay hore u taliyeen guutooyin ka tirsan garabka milatariga si ay u kormeeraan hawlgallada, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in amarka abaabulka lagu soo saaray taleefoono iyo fariimo qoraal ah, oo ay ku jireen qoraalkan: “Waxaan ku dhawaaqeynaa abaabul guud oo ka jawaabaya baaqa waajibaadka qaran iyo diineed ee ah in Gaza laga nadiifiyo sharci-darrada iyo la-shaqeynta Israel.
Waa inaad ku warbixisaa goobaha aad u qoondaysay 24 saacadood gudahood, adoo isticmaalaya code-yadaada rasmiga ah.”
Wararka ka imaanaya Qaza ayaa sheegaya in cutubyo hubeysan oo Xamaas ah ay horay u soo dhoobeen xaafado dhowr ah oo qaarkood ay ku labisan yihiin dhar rayid ah iyo kuwa kale oo wata dareeska buluugga ah ee booliska Gaza.
Abaabulkan ayaa ahaa mid si weyn loo filayey iyadoo ay sii kordhayso hubanti la’aanta ku saabsan cidda maamuli doonta Gaza kadib dagaalka




