Maraykanka oo Xafiis Ka Furanaya Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa soo dhaweeyay ansixinta uu Senate-ka Mareykanka meel mariyey sharciga difaaca qaranka ee NDAA, kaas oo ka kooban qodobo taariikhi ah oo quseeya Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in sharcigan uu xambaarsan yahay qorshe lagu furi doono xafiis matalaad Mareykan ah oo Hargeysa laga hirgelinayo, iyo talo safar oo gaar ah oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga isla markaana lagu muujinayo xasilloonida Somaliland.
Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sidoo kale u mahadceliyay xubnaha Kongareeska Mareykanka ee taageerada u muujiyay Somaliland, isaga oo rajo ka muujiyay in Aqalka Wakiilladu sii wado dadaalka iyo horumarkaas.
Maraykanka ayaa xoojinaya iskaashiga iyo cilaaqaadka uu la leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal dimuqraadi ah oo nabdoon isla markaana noqonaya saaxiib muhiim ah oo la isku hallayn karo




