๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ก๐ ๐๐ข๐๐ฅ๐ฎ๐ฆ๐๐๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ฌ๐จ๐จ ๐๐จ๐ฒ๐๐ญ๐๐ฒ.
Waxa aan ugu hambalyaynayaa shacabka Somaliland guusha taariikhiga ah ee diblomaasiyadeed ee Somaliland usoo hoyatay kadib markii golaha Senate-ka Maraykanu ansixiyey ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ข๐๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐ ๐๐ก๐ ๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง๐๐ฅ ๐๐๐๐๐ง๐ฌ๐ ๐๐ฎ๐ญ๐ก๐จ๐ซ๐ข๐ณ๐๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐๐๐ญ (๐๐๐๐) oo ah tallaabo si cad u muujinaysa muhiimadda istiraatiijiyadeed, xasilloonida siyaasadeed, iyo dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland,
tallaabadan oo xoojinaysa deddaalada ay Somaliland ku raadinayso aqoonsi buuxa oo ay kaga mid noqoto beesha caalamka.
Xeerka Aqalka Sare ee Maraykanku meelmariyey waxa ku jira qodobada khuseeya Jamhuuriyadda Somaliland sida furitaanka ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ข๐๐ฅ๐ฎ๐ฆ๐๐๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐๐๐ oo dawladda Maraykanku leedahay taas oo xoojin doonta xidhiidhka labada dal, arinkaa oo tusaya qiimaha istiraatijiyadeed ee Somaliland u leedahay danaha Maraykanka iyo xasiloonida caalamiga ah, iyada oo la wada ogyahay in dawladda Maraykanku xidhay safaarado iyo xafiisyo ay dunidda ku leedahay.
Inkasta oo maamulka Muqdisho ku bixiyey wixii uu awood diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed uu lahaa si uu uga hortago ama wax uga bedelo qodoba xeerkan ee Somaliland khuseeya haddana
waxa Illaahay mahadii ah in aanay ku guulaysan.
Waxaan bogaadinayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo gaar ahaan safiirka Somaliland u fadhiya Maraykanka Mudane Bashiir Good oo hawl wayn qabtay.
Ugu dambayn, waxa aan fariin u dirayaa dalalka caalamka oo dhan in ay aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland, buqcadda istraatiijiga ah ee ay ku taallo xasilloonida, iyo qiyamka dimuqraadiga ee Somaliland.”
Wasiir Hore Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi




