Nuxurka Qodobada Laga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland

Fadhigii 37-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna KU-SIMAHA Madaxweynaha JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 37-aad waxa ka mid ahaa:

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba amniga dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba oo ka jira Dalka JSL.

Dhinaca kale, Wasiir Cabdalle waxa uu sheegay in ay dalka ka jirto deggenaansho siyaasadeed oo buuxda. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Shir doceedyadii Gogosha Nabadda ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhigay magaalada Ceerigaabo ay si habsami leh u socdaan. Wasiirku waxa uu sheegay in Shilalka Gaadiidku ay noqdeen mushkilad Qaran oo u baahan in Qaran ahaan si wadajir ah wax laga qabto.

๐Ÿ. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š, ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ƒ๐š๐ค๐ก๐ฅ๐ข๐ ๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan. Wasiirku waxa uu Golaha si guud ugaga xog warramay hab-sami-u-socodka ururinta Cashuuraha Berriga iyo kaalinta ay ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in xaaladda dakhliga iyo dhaqaalaha dalka ay u socdaan sidii loogu talo galay, isaga oo sheegay in ay jirto korodh muuqda oo ku yimid dakhliga gudaha, sidoo kalena ay sii xoogaysanayso xasiloonida dhaqaale ee dalka JSL.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu xusay in Dawladda Somaliland ay mudnaanta siineyso wax-soo-saarka iyo maalgashiga gudaha, kobcinta ganacsiga, iyo abuurista istiraatijiyado Qaran oo lagu kobcinayo dhaqaalaha Dalka.

Dhinaca kale, Wasiiru-Dawlaha Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi ayaa isaguna Golaha siiyey warbixin gaar ah oo ku saabsan halbeegyada maaliyadeed (metrics) ee muhiimka u ah dhaqaalaha dalka. Wasiiru-Dawluhu waxa uu Golaha siiyey warbixin aqooneed oo la xidhiidha afar qaybood oo waaweyn:

๐Ÿญ. ๐—™๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐—ป๐—ฐ๐—ถ๐—ฎ๐—น ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฐ๐˜๐—ผ๐—ฟ ๐— ๐—ฒ๐˜๐—ฟ๐—ถ๐—ฐ๐˜€
๐Ÿฎ. ๐—ง๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฒ ๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ง๐—ฟ๐—ฎ๐˜ƒ๐—ฒ๐—น ๐— ๐—ฒ๐˜๐—ฟ๐—ถ๐—ฐ๐˜€
๐Ÿฏ. ๐—œ๐—ป๐˜ƒ๐—ฒ๐˜€๐˜๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜ ๐— ๐—ฒ๐˜๐—ฟ๐—ถ๐—ฐ๐˜€
๐Ÿฐ. ๐—™๐—ถ๐˜€๐—ฐ๐—ฎ๐—น ๐— ๐—ฒ๐˜๐—ฟ๐—ถ๐—ฐ๐˜€.

Wasiiru-Dawluhu waxa uu sheegay in xogtani ay muhiim u tahay Dejinta Siyaasadaha dhaqaale iyo goโ€™aannada istaraatiijiga ah ee Dakhliga gudaha iyo kobcinta dhaqaalaha Qaranka.

๐Ÿ‘. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran. Wasiirku waxa uu sheegay in roobku uu ka da’ay meelo badan oo ka mid ah Gobollada dalka, laakiin ay weli Gobollada Bariga dalka ka jirto biyo yaraan. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in dedaallada Gurmadka Abaaruhu si wacan u socdaan, gaar ahaan qaybinta deeqaha raashinka oo la gaadhsiiyey meelaha ay ka jiraan baahiyaha ugu badani iyo Dayactirka Ceelasha Biyaha.

๐Ÿ’. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง ๐ฅ๐š ๐ฑ๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐š ๐ก๐š๐›-๐ฌ๐š๐ฆ๐ข-๐ฎ-๐ฌ๐จ๐œ๐จ๐๐ค๐š ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ž๐๐๐š:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JSL, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Wasiirku ayaa Golaha siiyey warbixin nuxur leh oo ku saabsan xaaladda guud ee Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhada Caalamiga ah, iyo dedaallada socda ee lagu xoojinayo mowqifka Somaliland ee aqoonsi raadiska iyo iskaashiga arrimaha horumarka bulshada. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in dedaallada aqoonsiga Somaliland ee ay horseedka ka yihiin Goleyaasha Sharci Dejinta ee dalka Mareykanku ay u socdaan si wacan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay si joogto ah ugu hawlan tahay xoojinta xidhiidho diblomaasiyadeed iyo wada-hadallo istaraatiiji ah oo lala yeelanayo Dawladaha saaxiibka la ah Somaliland iyo Hayโ€™adaha Caalamiga ah, kuwaasi oo diiradda lagu saarayo:

1. Dhiirrigelinta iyo Dardargelinta Aqoonsiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. Kor u qaadista Sumcadda iyo Muuqaalka Wanaagsan ee Jamhuuriyadda Somaliland ee bulshada caalamka, gaar ahaan arrimaha khuseeya nabadda, xasilloonida, Dimuqraadiyadda iyo ku dhaqanka Sharciga.

3. Kobcinta xidhiidhka siyaasadeed, ka maalgashi iyo ka ganacsi ee ay Somaliland iyo dalalka caalamka.

4. Ka qaybgalka iyo ka muuqashada Madalaha Caalamiga ah, si loo muujiyo Mawqifka iyo Madax bannaanida Somaliland.

๐Ÿ“. ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‰๐’๐‹:

Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi. Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu ay xoogga saarayso tayaynta adeegyada caafimaadka dalka, ballaadhinta xarumaha caafimaadka, iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in muddadii ay jirtay Xukuumadda cusubi ay adeegyada caafimaadka guud ahaan soo hagaagayaan, gaar ahaan dhinacyada hooyada iyo dhallaanka, tallaalka, iyo la dagaallanka cudurrada faafa.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay si dhow ula shaqeyso Hayโ€™adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo hufan, oo daboola baahiyaha xagga Caafimaadka bulshada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker