๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‰๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‘๐ž๐ž๐ซ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ž๐ž ๐ค๐ฎ ๐ง๐จ๐จ๐ฅ ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ˆ๐ฆ๐š๐š๐ซ๐š๐š๐๐ค๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa Safaaradda JSL ee dalka Imaaraadka Carabta kulan kula yeeshay Ganacsatada iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalkaasi, isaga oo uga mahadnaqay doorka muuqda ee ay ku leeyihiin horumarka, maalgashiga iyo sumcadda wanaagsan ee dalka.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in Ganacsatada iyo Jaaliyadda Somaliland ee ku nool Imaaraadku ay muhiim u yihiin xidhiidhka dhaqaale, ka diblomaasiyadeed iyo maalgashiga u dhexeeya labada dal, isla markaana ay kaalin muuqda ka ciyaaraan kobcinta ganacsiga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo dhismaha Qaranka JSL.

Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyay Ganacsatada iyo Jaaliyaddu in ay sii xoojiyaan maalgashiga gudaha dalka, gaar ahaan kaabeyaasha dhaqaalaha, warshadaha iyo adeegyada bulshada, isaga oo tilmaamay in maalgashigoodu uu yahay tiir lagama maarmaan u ah mustaqbalka dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker