Xuutiyiinta Yemen oo xidhay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay, maxayse ku sheegeen sababta
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sagaal xubnood oo dheeraad ah oo ka tirsan shaqaalaheeda si aan sabab loo sheegin ay u xireen maamulka Xuutiyiinta ee Yemen — taasoo tirada guud ee la xiray ka dhigaysa 53. Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in xariggan uu carqaladeynayo awoodda QM ay u leedahay inay gaarsiiso gargaar muhiim ah gudaha Yemen.
Mas’uuliyiinta Xuutiyiinta ayaa dhankooda sheegay in xasaanadda sharci ee ay leeyihiin shaqaalaha QM aysan difaac u noqon karin waxa ay ugu yeereen “howlo basaasnimo.”
Yemen ayaa tan iyo markii Xuutiyiintu la wareegeen caasimadda Sanca sanadkii 2014, waxaa ay u kala qaybsan tahay maamul ay Xuutiyiintu ka taliyaan oo fadhigiisu yahay Sanca, iyo dowlad uu Sacuudigu taageero oo xarunteedu tahay magaalada Cadan.




