Shan arrimood oo muhiim ah oo laga ogyahay wadahadallada Israa’iil iyo Xamaas ee ka socda Masar
Iyadoo Israa’iil ay maanta xusaysa labo sano guuradii ka soo wareegtay weeraradii dhimashada badan dhaliyey ee Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, xilli magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar ka socda wadahadallo dadban oo u dhexeeya wafdiyo ka kala socda Israa’iil iyo Xamaas, kuwaasoo diiradda lagu saarayo soo afjaridda dagaalka Qasa.
Halkan waxaa ku xusan shan qodob oo muhiim ah oo laga ogaado wadahadalladan:
Goorma ayay wadahadalladu bilaabeen? Wafdiyada Israa’iil iyo Xamaas ayaa Isniintii gaaray Sharm El-Sheikh, wax yar kadibna wadahadalladu way bilaabmeen.
Sidee bay u socdaan wadahadalladu?Labada dhinac si toos ah iskumay arag. Halkii kulamo fool ka fool ah la qaban lahaa, dhexdhexaadiyayaal ka socda Qatar, Masar, iyo Mareykanka ayaau kala dab qaadaya labada dhinac si loo gaaro heshiis lagu fulinayo wajiga koowaad ee qorshaha nabadeed ee Donald Trump, oo ka kooban 20 qodob.
Maxaa lagu falanqeynayaa wadahadallada? Kulamada waxaa diiradda lagu saaraya sidii loo abuuri lahaa xaalado suurta gal ka dhigaya sii daynta 48 laheyste Israa’iili ah oo wali gacanta ugu jira Xamaas — iyadoo la aaminsan yahay in 20 ka mid ahi ay weli nool yihiin — iyadoo taa lagu beddelayo boqolaal maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu hayo xabsiyada Israa’iil, sida ay BBC-da u sheegeen mas’uuliyiin Falastiiniyiin iyo Masriyiin ah.
Maxay dhinacyadu sheegeen? Israa’iil waxay oggolaatay qorshaha Trump, halka Xamaas ay aqbashay qaar ka mid ah shuruudaha balse aysan dhammaan la oggolaanin.
Caqabadaha jira maxay yihiin? Inkasta oo tani tahay fursadda ugu dhow ee labada dhinac ay ku gaari karaan heshiis tan iyo markii dagaalku billowday labo sano ka hor, haddana weli waxaa jira arrimo waaweyn oo khilaaf keeni kara laga qabo, oo ay ka mid yihiin:
o Qaabka laheysteyaasha loo sii daynayo
o Dalabka Israa’iil ee ah in Xamaas hubka dhigto
o Cidda mustaqbalka xukumi doonta Qasa
o In Israa’iil ay ciidamadeeda kala baxdo Qasa




