Laba sano ka dib colaada Qasa, tirokoobyo ay UNRWA soo bandhigtay
Laba sano kadib weerarkii 7-dii Oktoobar ee ay hogaaminayeen Xamaas iyo ololihii milatari ee xooganaa ee Israa’iil ay billowday wixii ka dambeeyay, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA) ayaa soo bandhigtay tirokoobyo muujinaya baaxadda burburka ka dhacay Gaza.
Qaar ka mid ah tirakoobyada muhiimka ah ee ay UNRWA shaacisay:
- In ka badan 66,100 qof ayaa la dilay, oo ay ku jiraan ugu yaraan 18,430 caruur ah
- Ilaa hal milyan oo qof ayaa ku barakacay xarumaha UNRWA, kuwaas oo ugu yaraan 845 qof lagu dilay iyaga oo halkaa ku sugan
- In ka badan 370 shaqaale UNRWA ah ayaa la dilay
- Ku dhowaad 80% dhismayaasha Qasa ayaa burburay ama la waxyeelleeyay
- In a yar 40% isbitaalada ayaa weli shaqeynaya, kuwaas oo dhammaantood ah kuwa aan si buuxda u shaqeynin
- Ku dhowaad 90% kaabayaasha biyaha iyo fayadhowrka ayaa la burburiyay ama si xun loo waxyeelleeyay
Tiradan waxa




