Dil Ka Dhacay Hargeysa Iyo Ciidanka Booliska Oo Dilagii Raadinaya

Ciidanka Booliska JSL waxa ay wadaan hawlgal baadhiseed ay ku raadinayaan Eedaysane Aabi Muuse Cilmi oo ku eedaysan dilka Marxuum Cabdi Haybe Khayre (Cabdi Dheere), kaasi oo ku dilay Abbaaro 10:00 subaxnimo ee maanta, degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Eedaysanaha falka geystay waa la aqoonsaday, waxaana socda dadaallo xooggan oo ay Ciidamada Boolisku ku doonayaan in lagu soo qabto eedaysanaha.

Ciidanka Booliska JSL waxay bulshada ka codsanayaan in cid kasta oo xog ama warbixin ka haysa eedaysanaha ay la soo xidhiidhaan saldhigyada Booliska ee ugu dhow.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker