Raysalwasaarihii Faransiiska oo xilka hayay wax bil ka yar ayaa is casilay

Raysalwasaarahii Faransiiska, Sรฉbastien Lecornu, ayaa iscasilay saacado un kaddib markii golihiisa wasiirrada la shaaciyay.

Qasriga Elysรฉe ayaa ku dhawaaqay arrintaas kaddib kulan saacado qaatay oo uu Lecornu la yeeshay Madaxweynaha Emmanuel Macron subaxnimadii Isniinta.

Tallaabadan lama filaanka ah waxay timid kaliya 26 maalmood kaddib magacaabistiisa oo daba socotay markii ay dhacday xukuumaddii uu hoggaaminayay Franรงois Bayrou.

Xubno badan oo ka tirsan Golaha Shacabka (National Assembly) ayaa si xooggan u dhaliilay golaha wasiirrada ee uu Lecornu soo dhisay, maaddaama uu si weyn ugu eg yahay kii Bayrou, waxayna xisbiyadu ku hanjabeen in ay codka kalsoonida ka qaadi doonaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker