Puntland oo sharraxaad ka bixisay heshiiskii ay wada galeen iyaga iyo Somaliland
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa oo waraysi siiyay BBC ayaa sheegay in iyaga iyo Somaliland ay ka heshiiyeen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga amniga, la dagaalanka argagixisada, isu socodka, ganacsiga iyo xal-u-helidda colaadda Ceerigaabo.
Wasiirku waxa uu xusay in heshiiska ay wada gaadheen Somaliland iyo Puntland aanu ku jirin waxa ku saabsan arrinta Laascaanood.
“War dawlo warqad buu ku yaallaa. Annagu waxa aannu ka wada hadalnay la dagaalka argagixsada iyo xoojinta nabadda Ceerigaabo, isu socodka iyo ganacsiga dadka. Mowduuc kale oo aan ka wada hadalnay oo miiska yaallay ma jiro. Arrinta Laascaanoodna ka ma mid ahayn wadahadalkeenna.”
Mar ay BBC-du weyddiisay sida ay Somalialnd uga wada shaqaynayaan arrimahaas iyada oo uu u dhaxeeyo labada dhinac maamulka Waqooyi-Bari ee dhawaan la aasaasay ayuu ku jawaabay.
“Waxa noo dhaxeeya adigaa sheegaya. Annagu hadda waxaan dagaal kaga jirnaa buuraha Calmiskaad, Daacish baan kula dagaallamaynaa. Buurta kale ee Calmadow bay joogaan al shabaab, waana dhinaca Somaliland… Ma dagaal baa la saarnaanayaa. Dagaal iyo nabad waxaan doorannay nanbad. Dadku in ay isu socdaan baan doorannay. In cadowga guud la iska kaashadaan doorannay. Ceerigaabo in nabad laga galaan doorannay. Waxii aan ku kala duwayn ee jiray waa arrimo siyaasadeed, maalintooda iyo wakhti kale ayay noqonaysaa.”




