Kulan lagaga hadlay dakhliga cashuuraha adeegyada waxbarashada
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Xasan Aaden oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Waxbarashada & Sayniska, Gudoomiyaha Xafiiska Imitixaanaadka Qaranka, Agaasinka Waaxda Cashuuraha Berriga iyo Isuduwayaasha Gobolada ee Wasaaradda Waxbarshada ayaa furay kulan lagu dardargalinayo qabashada dakhliga ka soo xarooda ajuurooyinka/kharashka guud ahaan adeegyada waxbarasho shahaadooyinka ardayda.
Kulanka oo qaatay saacado waxa ay ujeedadiisu daaranayd arimahan:
1. Kor u qaadista xidhiidhka wadashaqeyneed ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Waxbarshadda iyo Barbaarinta iyo Sayniska JSL.
2. Dardargelinta dakhliyada la xidhiidha adeegyadda waxbarasho ee Dalka (Ruqsaddaha goobaha waxbarasho iyo barayaasha).
3. Hirgelinta dakhliyadda laga soo wareejiyey xafiiska imtixaanadka Qaranka taas oo lagu daray Miisaniyadda Dawladda.
4. Kori u qaadista doorka dakhli ururineed ee Gudoomiyaasha waxbarashadda goboladda iyo waaxda cashuuraha-berriga.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.




