54 qof ayaa ku dhintay dhisme dumay xilli ay badankoodu salaad ku jireen

Tirada dadka ku dhintay burburka dhisme iskuul oo ka dhacay Indonesia ayaa gaadhay 54 qof sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta. Waxaana weli socda gurmadka lagu baadigoobayo in ka badan 13 qof oo weli la la’yahay.

Boqollaal arday — badankood wiilal ah — ayaa ku tukanayay masaajidka iskuulka Al Khoziny oo ah dugsi Islaami ah oo ku yaalla bariga gobolka Java, xilligii uu dhismuhu burburay Isniintii lasoo dhaafay.

Dhismaha dumay ayaa qayb ahaan dhisme ku socday.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka ee Indonesia ayaa sheegtay in tani ay tahay musiibadii ugu xumeyd ee dalka ka dhacda sannadkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker