๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐-๐๐ฎ๐ง๐ญ๐ฅ๐š๐ง๐, ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐‰๐ž๐›๐ข๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ˆ๐ฅ๐๐ฎ๐ฎ๐Ÿ ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐ฎ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐.

”War-murtiyeedka maanta oo taariikhdu tahay 5-tii Oktoobar 2025 ee laga soo saaray Nairobi oo ay ku saxeexan yihiin xubno Wasiiro ah oo ka kala socda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Puntland oo xambaarsan is-Afgarad Amni. Heshiiskani waxa ku jira qodobo khatar ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliland, gaar ahaan labada qodob ee sheegaya doorka Puntland ee nabadda Ceerigaabo iyo Siyaasadaynta Maamulka Hawada oo xadgudub iyo jebin ku ah ๐๐จ๐๐จ๐›๐ค๐š ๐Ÿ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ oo tilmaamaya xuduudda dhuleed, cireed iyo badeed ee Somaliland.
Heshiis lala saxeexdo Puntland โ€” oo ah maamul federaal ah oo hoos yimaada Dawladda Soomaaliya waxaa uu mugdi gelinayaa qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu sidoo kale uu wiiqayaa dedaallada muddada dheer ee Somaliland ugu jirtay helidda aqoonsi caalami ah, iyada oo bulshada caalamka u diraysa fariin khaldan oo la xidhiidha diblumaasiyadda Somaliland.
Sida muuqata tallaabooyinka ay qaadayso xukuumadda dalka ka talinaysaa waxa ka muuqda in ay dhaawacayso madaxbannaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Bulshada Somaliland waxa aan ugu baaqayaa in ay ku mar walba u taagnaadaan difaaca qaranimada, xukuumadana kula xisaabtamaan tallaabooyinka ay qaadayso.”
Wasiir Hore Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker