Xamaas oo ka hadashay falka ay Israa’iil ku joojisay doonyaha u socday Qasa

Xamaas ayaa fiidnimadii Arbacada ku tilmaantay falka ay Israa’iil ku joojisay Doonyaha Xorriyadda ee ku wajahnaa Qasa in uu yahay “dambi burcad-badeednimo iyo argagixiso badeed oo lagula kacay shacabka rayidka ah”, iyadoo ugu baaqday “dhammaan dadka u dooda xorriyadda dunidu” in ay cambaareeyaan falkaas.

Bayaan ay Xamaas soo saartay ayay ku sheegtay in hawlgalkii ka dhacay biyaha caalamiga ah iyo xadhigga lagu sameeyay saxafiyiinta iyo dadka ku jiray safarka mucaawanada ah in uu yahay “fal gardarro ah”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker