“Waxaan aad uga xumahay shaqaaqadii saaka ka dhacday magaalada Seylac” Guddoomiye Maxamuud Xaashi
“Waxaan aad uga xumahay shaqaaqadii saaka ka dhacday magaalada Seylac ee xarunta Gobolka Selal. Ugu horreyn, waxaan u ducaynayaa cid kasta oo xaaladdaasi waxyeello ka soo gaadhay.
Dadka Gobollada Galbeedka JSL ee Awdal iyo Selal, waa dad xidid iyo xigaal ba isu wada ah. Waxa ka dhexeeya deegaan balaadhan, oo dad iyo duunyoba leh. Khilaaf kasta ama murran kasta waxa muhiim ah in lagu maareeyo tudhaale iyo isu-tanaasul. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa bulshada ku dhaqan Gobolka Selal inay is dejiyaan, islamarkaana ka fogaadaan fidno iyo ficillo abuuri kara kala faquuq dhexdooda ah.
Ugu danbayn, xukuumadda JSL waxaan ugu baaqayaa in ay xaaladda ku xaliso xikmad iyo xirfad siyaasaddeed. Waxaan hoosta ka xariiqayaa in xabad iyo xoog aan loo meel dayin, midna aannu xal u noqon karin xaaladahan oo kale. Ciidamada ammaanka waxaan ugu baaqayaa in aannay adeegsan awood dhaafsiisan xaaladda amni ee deegaanka iyo baahida sharci, taasi oo ka turjumi karta tacadi ka dhan ah bulshada. “ Guddoomiyaha Xisbiga KAAH,
Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi




