๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐๐ก๐ง๐ ๐๐ฎ-๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ฎ๐ฌ๐ค๐ ๐ฌ๐๐ง๐ง๐๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐๐๐ ๐๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฌ-๐๐๐ฌ๐ค๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฅ๐๐๐ฅ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ก๐
Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Kusimaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibadda xuska sannad guuradda 30-aad ee aas-aaska Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL.
Munaasibaddan oo lagu qabtay Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa waxa sidoo kale goobjoog ka ahaa taliyaasha ciidanka qaranka iyo wakiillo ka socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland.
Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, oo halkaasi ka jeediyey khudbad, ayaa u hambalyeeyey dhammaan ciidanka iyo qoysaskooda, isaga oo yidhi:- “Farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta ka qaybgalo xuska sanad guurada 30-aad ee aas-aaska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland. Xuskan awgiis, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa taliyaasha, taliye-ku-xigeennada, saraakiisha, saraakiil-ku-xigeennada, dablayda, ciidanka Ilaalada Xeebaha, xaasaskooda iyo carruurtooda,Waxaanan u rajaynayaa in Eebbe caafimaad qab iyo guul uu inagu gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa โ
Madaxweyne Ku-xigeenka JSL waxa kale oo uu xusay muhiimadda khayraadka badda, isaga oo ugu baaqay bulshada reer Somaliland inay si buuxda uga faaโiidaysataan khayraadkooda badda
“Dunida qiimo weyn ayuu khayraadka baddani ugu fadhiyaa. Maadaama xoolo-dhaqashadii sii yaraanayso, waa in aynu xoogga saarno ka faaโiidaysiga kaluunka iyo khayraadka kale ee badda ku jira.”
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ayaa sheegay inay ka goโan tahay ka xukuumad ahaan horumarinta iyo tayaynta ciidanka Ilaalada Xeebaha
“Xukuumad ahaan waxa naga goโan inaanu Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ka dhigno kuwo awooddooda iyo tayadoodu gaadho heer caalami ah..” Ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka JSL.




