Qaaradda Afrika iyo jacaylka Been Abuurka ah.
Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa xabsiga u taxaabay dad lagu eedeeyey in ay Aduun lacageed ka sameeyeeen Xidhiidho jacayl oo been abuur ah.
Boolisku waxay xidheen 260 Qof oo loo haysto Aduun lacageed oo dhan 2.8 Million oo lacagta Dollarka Mareykanka ah kuwaasi oo ay macmiil ka dhigteen dhinacyadii kale ay la jilayeen jacaylada been abuurka ah.
Dalalka Ghana, Ivory Coast iyo Senegal ayaa hogaaminaya tirada dadka la soo xidhay ee Jacaylka beenta jilay halka inta kalena ay yihiin Dalalka kale ee Afrika.
Booliska Interpol waxa ay ku raad joogaan kuwo kale oo qayb ka ah Jacaylka been abuurka ah ee ka yimaadda qaybaha kala duwan ee Baraha bulshaddu ku wada xidhiidho.




