Maxaa Ka Jira Xisbiga Kulmiye uu ka Guurayo Xaruntiisii Guud ee Hargeysa?

 

Waa been abuur warka sheegaaya in xisbiga KULMIYE uu ka guuraayo xaruntiisa.

Waxa nasiibdaro ah war been abuur ah oo maanta si ka baxsan nidaamka saxafinimo iyo war-turbines uu Weriye Axmed Dool ku sheegay in Xisbiga KULMIYE uu ka guuraayo xarunta xisbiga.

Warka weriyahani uu ku sheegay maaha mid sal iyo raad toona leh, mana aha war uu cid ka soo xigtay ( source of information), waana nasiibdaro daro ku habsatay indhawayd saxaafiyiinta aan waayo araga ahayn een miisaami karin wararka ay wax ku yeelayaan sumcadooda iyo ta saxaafadda qaranka guud ahaanba.

Ujeedada been abuurka uu soo gudbiyay Weriye Axmed Dool waa mid abaabulan oo la doonaayo in lagu jahwareeriyo taageeryaasha xisbiga.

Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)
Afhayeenka Xisbiga Kulmiye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker