Mamnuucidda Cuntooyinka Daweynta Nafaqo-darrada (RUTF & RUSF)
Waxaa si cad loo mamnuucay ka ganacsiga, iibinta, kaydinta iyo ka macaashka cuntooyinka dawooyinka ah ee loogu talagalay carruurta ka yar shan (5) sano, kuwaas oo loo yaqaan RUTF iyo RUSF.
Qofka, shirkada ama hay’adda lagu helo inay si sharci-darro ah uga macaashaan dawooyinkan, waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah iyo ciqaab waafaqsan xeerarka dalka.
Laamaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, hay’adaha fulinta sharciga, iyo maamulka heer gobol iyo degmo ayaa lagu amray inay si wadajir ah u fuliyaan wareegtadan.
Allah mahad leh
Dr. Axmed Maxamuud Jaamac
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
Jamhuuriyadda Somaliland.





