Maraykanka oo Kala Saaray Somaliland iyo Somalia

Guddida Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Maraykanka, ayaa ansixiyay sharciga dib u habaynta waaxda arrimaha dibadda ee dalkaasi, waxana xeerkan ku jira qodob la xidhiidha sidii loo kala saari lahaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Xeerkan la ansixiyey ayaa jidaynaya in dawladda Mareykanku xoojiso cilaaqaadka diblamaasiyaddeed ee ay la yeellanayaan Jamhuuriyadda Somaliland taasi oo muhiim u ah qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland.

Xeerkan ay qalinka ku duugtay guddida arrimaha dibadda ee Congresska Maraykanku, waxa ku cad in Dawladda Donald Trump ay markii u horreysay xafiis rasmi ah ka furato Somaliland, si uu uga shaqeeyo danaha laba geesoodka ah.

Waxa kaloo xeerku iftiiminayaa kor u qaadista iskaashiga ganacsi ee Somaliland iyo Maraykanka.

Sidoo kale, Xeerka dib u habeynta siyaasadda arrimaha dibadda Maraykanka, waxa lagu xusay in Somaliland loo asteeyo siyaasad socdaal oo tixgelinaysa xasiloonida iyo nabadgelyada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker