Trump oo ka carooday su’aal uu waydiyay wariye u dhashay Australia
Madaxweynihii Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku qaaday wariye u dhashay Australia kadib markii wax laga weydiiyay ganacsigiisa intii uu xafiiska joogay.
Wariye John Lyons oo ka tirsan hay’adda warbaahinta Australian Broadcasting Corporation (ABC) ayaa weydiiyay Trump haddii hantidiisu kor u kacday tan iyo bishii Janaayo xilligaaso oo mar kale u uku soo laabtay Aqalka Cad.
Trump wuxuu ku jawaabay: “Ma garanayo,” isagoo sheegay in carruurtiisu ay maamulaan ganacsiyada qoyskiisa. Wuxuu intaas ku daray: “Aniga waxaan qabaa inaad aad u dhaawacayso Australia hadda, dadka Australia-na waxay doonayaan inay ila jaanqaadaan.”
Trump wuxuu sheegay inuu dhowaan la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, isagoo ku daray: “Waxaan u sheegi doonaa adiga. Tusaale xun ayaad tahay.”




