Bankiga Adduunka oo ka fiirsanaya hakinta taageerada miisaaniyadeed ee Soomaaliya

Bankiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada dhaqaale ee miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo dastuuriga ah ee ka dhashay muddo kordhintii loo sameeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo Maxkamadda Sare ee dalka ay dhawaan sharci-darro ku tilmaantay.

Tallaabadan ayaa la xiriirta walaaca sii kordhaya ee beesha caalamku ka qabto khilaafka u dhexeeya madaxtooyada, hay’adaha garsoorka iyo mucaaradka, kaas oo saameyn ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo kalsoonida deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

5-tii bishan Nofeembar ayay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya go’aamisay in muddo kordhintii hal sano ahayd ee Baarlamaanka Federaalka uu bishii Maarso 2026 u sameeyay hay’adaha dowladda ay tahay mid aan waafaqsanayn sharciga. Maxkamaddu waxay sheegtay in muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhammaaday 15-kii May 2026, iyadoo dowladda hadda jirta ku tilmaantay maamul ku-meel-gaar ah oo sii wada hawlaha lagama maarmaanka ah.

Maxkamaddu waxay sidoo kale madaxda siyaasadda dalka siisay 30 maalmood oo ay heshiis kaga gaaraan hannaanka doorashada, halka ay amartay in doorashada lagu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah. Hase yeeshee, khilaafka ayaa sii xoogeysanayay kaddib markii madaxtooyadu isku dayday inay xilka ka qaaddo guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, iyadoo ciidamada booliska iyo militariga ay la wareegeen xarunta maxkamadda, arrimahaas oo dhaliyay walaac ku saabsan madax-bannaanida garsoorka.

Bankiga Adduunka iyo deeq-bixiyeyaasha kale ee Soomaaliya taageera ayaa muhiimad gaar ah siiya xasilloonida siyaasadeed, hufnaanta maamulka iyo madax-bannaanida hay’adaha garsoorka marka ay qiimeynayaan taageerada dhaqaale ee ay siiyaan dalka. Khilaafka hadda taagan ayaa sidaas darteed halis gelin kara xiriirka dhaqaale ee dowladda Muqdisho la leedahay hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Miisaaniyadda Soomaaliya ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada dibadda, iyadoo in ka badan 828 milyan oo dollar oo ka mid ah dhaqaalaha ku jira qorshaha miisaaniyadda ay ku xiran yihiin deeqaha caalamiga ah. Haddii Bankiga Adduunku hakiyo dhaqaalaha uu bixiyo, dowladda waxaa soo food saari kara culays dhaqaale oo saameeya bixinta mushaharka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada, iyo sidoo kale maalgelinta adeegyada bulshada.

Xaaladdan ayaa dib u soo nooleynaysa xusuusta khilaafkii siyaasadeed ee dhammaadkii muddo xileedkii madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, markii uu isku dayay muddo kordhin uu Baarlamaanka u sameeyay, taas oo dhalisay cadaadis gudaha iyo mid caalami ah, iyadoo taageeradii dhaqaale ee Soomaaliya ay xilligaas wajahday hubanti la’aan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker