Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo Imaaraadka U Baxaya
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Khadar Xuseen Cabdi ayaa u baxaya Magaaladda Dubai ee Xarunta Dalka Imaaraadka Carabta.
Safarkan oo ku soo beegmaya Todobaad uun ka dib markii uu ka soo laabtay Magaalo Madaxda Dalka Qadar ee Dooxa ayaan la ogayn ujeedadiisa iyo Cida wehelinaysa midnaba.
Somaliland iyo Imaaraadka Carabta Waxa ka dhaxeeya xidhiidh wanaagsan, Waxaana Maalmahan aad loo hadal hayay in Dawladda Imaaraadka Carabtu ay qayb laxaad leh ka qaadanayso sidii ay Somaliland u heli lahayd Aqoonsi.



