Rubio oo Netanyahu kala hadlaya weerarkii Qadar
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku sugan Israa’iil, isagoo goor hore oo maanta ah gaaray si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Kulankaan ayaa la filayaa in uu dhaco xili xiisadda ay ku baahday guud ahaan Bariga Dhexe gaar ahaan ka dib markii Israa’iil ay weerar ku qaadday kooxda Xamaas ee Qadar toddobaadkii hore.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo la filayo in maalinta Isniinta ee September 15-keeda uu magaalada Dooxa ka furmo shir-madaxeedka Carabta iyo Islaamka, iyadoo Israa’iil ay sii waddo qorshaheeda ay ku doonayso inay ku qabsato oo ay ku maamusho magaalada Qasa.
Booqashada Rubio, ayaa timid, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu muujiyay sida uu uga xun yahay tallaabada Israa’iil ay ku ugaarsaneyso hoggaamiyayaasha Xamaas, isla-markaana ay ku weerarayso, xilli ay ku sugan yihiin dal kale, Qadar – oo muddo dheer la kaashaneysay Mareykanka dadaallada nabadda loogu raadinayo colaado dhowr ah oo ka dhacay Afrika iyo Bariga Dhexe.
Xoghaye Rubio ayaa ka hor inta uusan u dhoofin Israa’iil u sheegay warfidiyeenka in Madaxweyne Trump uu aad uga xumaaday weerarka Israa’iil, inkastoo uusan hadda caafimaad qabin, haddana taasi aysan waxba ka beddeli doonin xiriirka Mareykanka iyo Israa’iil.




