Sida lagu Soogali Karo Somaliland oo La Shaaciyaay
1. Inay sitaan Baasaaboor ansaxa oo ay dhicistiisa ka hadhsantahay ugu yaraan 6 bilood.
2. In uu sito tigidhka laabshada ama noqoshadda
3. Inuu sito cadayn kharash ama sahay ku filan inta uu joogo dalka.
4. Cinwaanka goobta laga helayo ama kafiilka (Sponser)
5. Lacagta dal ku galka wuxuu ku bixinayaa Madaarka haddii aanu u iman jid mar (Transit).
6. Qodobadan laguma dabaqayo Muwaadiniinta sita Baasaaboorada dalaka kale, sida Qurba joogta Somaliland iyo Somalida kale ee sita baasaaboorada shishiiye.
Dhinaca kale, waxa lagu xusay war saxaafadeedkan, in socotada ka soo galaya xuduudaha Badda iyo barrigga inay dalku galka ka soo qaadanayaan safaaradaha ama xafiisyadda wakiilada ee ugu dhaw, sidoo kale waxay ka soo dalban karaan Taliska Ciidanka Socdaalka JSL xafiiska Shisheeyaha, inta aanay iman xuduudka.





