๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐ข๐ข๐ฌ๐ ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐๐ก๐๐๐ซ๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ง ๐๐ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐ง ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฒ ๐๐ข๐ฅ๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey Masuuliyiinta Hayโadaha Madaxa Bannaan ee Qaranka JSL, kuwaasi oo dhawaan loo magacaabay Xilalka Qaranka.
Munaasibadda Dhaarta Dastuuriga ah ee Masuuliyiinta loo magacaabay Xilalka Qaranka, waxa M/weynaha ku wehelinayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed. Sida ku cad Qodobka 129-aad ee Dastuurka JSL, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu Masuuliyiintan ku dhaariyey Madaxweynaha hortiisa,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Munaasibadda kadib waxa uu Masuuliyiinta u jeediyey hadal isugu jira dardaaran iyo duco, isaga oo Masuuliyiinta xasuusiyey in dhaartu tahay arrin aad u culus, Masuuliyiintana looga baahan yahay in ay si buuxda u ilaaliyaan Cahdiga ay qaadeen.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhaarta Xilalka Qaranka JSL ay tahay ballan-qaad culus oo Diini iyo Dastuuriba ah kaasoo Masuuliyiinta Xilalka loo magaacabay si joogto ah ugu baraarujinaya culayska uu leedahay Xilka Qaran ee ay u dhaarteen.
Madaxweynuhu waxa uu Masuuliyiinta kula dardaarmay
in ay Xilalka Qaranka u gutaan sinnaan, caddaalad, eex la’aan iyo hufnaan, si ay uga hadho taariikh wacan oo lagu xasuusto. Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu Masuuliyiinta Allah SWT uga baryey in uu Xilka Qaran ku asturo oo u fududeeyo.




