Mashruuca Seeraha Qool-caday oo Lagu Tilmaamay Mid Muhiim ah Qaranka
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Cumar Shucayb, ayaa sharaxaad ka bixiyey muhiimadda mashruuca seeraha iyo calafka xoolaha ee Madaxweynaha Somaliland ka daahfuray Banka Qool-caday. Wasiirku wuxuu sheegay in isbeddelka cimiladu saamayn weyn ku yeeshay Somaliland, taas oo si gaar ah u taabanaysa xoolaha nool oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka. Sidaas darteed, ayuu ku adkeeyey in mashruucan oo kale uu yahay mid lagama maarmaan ah.
Isagoo ka hadlay abaaraha dalka ku dhuftay sanadkan , ayuu sheegay in calafka xoolaha ee kaydsanaa oo gaadhayay 750 bandhal oo yaalay Banka Wajaale aanu ku filnayn xoolaha, maadaama xitaa aanu ka bixin karin baahida 1,000 neef oo adhiga ah. Waxaana intaas dheer, ayuu tilmaamay, in calafkaasi laga soo dejiyey dalka Itoobiya, taas oo uu ku sifeeyey nasiib darro.
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in muddo 34 sano ah oo Somaliland jirtay aan weli la hirgelin wax-soo-saar calaf xoolaad oo dalka ku filan, taasna uu ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin.



