𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐨𝐨𝐥𝐜𝐚𝐝𝐚𝐲

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qayb-galay Xafladda Daah-furka Mashruuca Horumarinta Seeraha Banka Qoolcaday.

Ugu horrayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si mug leh ugu mahad naqay Hoggaanka dhaqanka, Waxgaradka, Waayeelka iyo Wasiirrada ka soo jeeda degaanka doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen xallinta arrinta Seeraha Banka Qoolcaday ee degmada Salaxlay.

Madaxweynaha ayaa Haldoorka deegaanka ku bogaadiyey sida wada-tashiga iyo is-afgaradka ku dhisan ee ay bulshada Salaxlay u maareeyeen in Seeraha Banka Qoolcaday si rasmi ah loogu wareejiyo gacanta Dawladda si uu u noqdo Seere Qaran. Arrintani waa mid Xukuumadda u suurto gelin doonta in Seeraha loo sameeyo nidaam maamul oo rasmi ah, kaasi oo ka iman doona Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo dadka deegaanka, iyada oo loo raacayo nidaamka loo maamulo Banka Aroori ee imika ay Wasaaraddu hore u hir gelisay.

Madaxweynaha oo bulshada deegaanka u jeediyey hadal nuxur leh ayaa sheegay in Xukuumaddu si dhakhso ah u bilaabi doonto in la xidho Seeraha Banka Qoolcaday. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu bulshada deegaanka u iftiimiyey faa’iidooyinka badan ee mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday u leeyahay bulshada deegaanka.

𝐅𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡:

1. Soo saarista Calafka Xoolaha oo nafaqo sare leh, kaasi oo ay ku badbaadi doonaan Xoolaheenu.

2. Seeraha Banka Qoolcaday waxa laga hirgelin doonaa adeeyada Caafimaadka Xoolaha

3. Waxa laga hirgelin doonaa adeegyada Biyaha ee Xoolaha iyo Bulshada, iyada oo la dhisi doono Balliyo, Dhaamam iyo Baraago Kayd Biyoood ah

4. Mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday waxa uu dadka deegaanka u keenayaa shaqo abuur.

5. Mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday waxa uu soo celinaynaa nafaqadii iyo calafkii banka ka bixi jiray.

6. Seeraha Banka Qoolcaday waxa uu noqon doonaa Xarunta Cilmi Baadhista iyo Tababarrada, iyada oo laga samayn doono Shaybaadhka Xanuunnada Xoolaha iyo meelo lagu barto soo saarka calafka iyo taranka xoolaha.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu bulshada deegaanka Qoolcaday u caddeeyay in haba yaraatee aanay jirin Ganacsato ama Cid Gaar ah oo loo xidhayo ama la siinayo bvBanka Qoolcaday.

Taa bedelkeeda, Madaxweynuhu waxa uu bulshada deegaanka u caddeeyay in cidda Seeraha Qoolcaday loo xidhayaa ay yihiin dadka deegaanka Qoolcaday iyo bulshdad kale ee reer Somaliland ee ku soo guurta xilliyada abaaraha.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker