๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐๐ฑ๐ฅ๐๐ฒ ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ ๐๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐๐ฒ ๐๐๐ฌ๐ก๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐ฎ ๐๐ก ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐ค๐.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta safar shaqo ku tagay degmada Sallaxlay, halkaas oo uu dhagax-dhigay mashaariic kala duwan oo horumarineed oo muhiim u ah nolosha bulshada deegaanka.
Mashaariicdan oo ka mid ah qorshaha ballaadhan ee horumarinta ee ay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ka waddo dalka, ayaa waxa ka mid ahaa:
1. Dhismaha Laanta Baanka Somaliland ee Degmada Salaxlay, si loo dardargeliyo bixinta adeegyada maaliyadeed iyo kobcinta Dhaqaalaha deegaanka.
2. Ballaadhinta adeegyada Caafimaadka si loo helo adeeg caafimaad oo casri ah oo la gaadhsiiyo bulshada. Dhakhtarka Degmada Sallaxlay Madaxweynuhu waxa uu dhagax-dhigay Shaybaadh cusub iyo qaybta ilkaha oo lagu soo kordhin doono Dhakhtarka.
3. Dhismaha iyo horumarinta Garoonka Kubadda Cagta ee Salaxlay, si dhalinyarada deegaanka loogu helo meel ay ku tababartaan, ku ciyaaraan, looguna dhiirrigeliyo isboortiga.
4. Dhismaha Xarunta Dab-damiska magaalada Salaxlay, taasi oo si weyn gacan uga geysan doonta bedbaadinta hantida iyo nafta bulshada, marka ay dhacaan masiibo dab ama xaalado kale oo u baahan gurmad degdeg ah,
5. Qodista Biyo-xidheen cusub oo wax weyn ka tari doona baahida biyood ee deegaanka, gaar ahaan Xoolaha iyo Dadkaba.
Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu bulshada Degmada Salaxlay ku adkeeyey in ay mashaariicdan ilaashadaan, si wadajir ahna uga shaqeeyaan horumarinta degmada Salaxlay.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xusay in mashaariicdani ay caddayn u yihiin sida ay Xukuumaddu mudnaanta u siinayso horumarinta iyo adeeg-bixinta deegaannada miyiga iyo magaalooyinka dalka.



