Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada JSL oo Ka qaybgalay Kulan Dib-u-eegis iyo Qiimayn ah Foomka guud ee Kormeerka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa ka qaybgalay kulan muhiim ah oo ay soo agaasintay waaxda kormeerka ee wasaaradda. Kulankan oo diiradda lagu saarayay dib-u-eegista iyo qiimaynta foomka guud ee kormeerka, ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, waxaana kasoo qaybgalay dhammaan La-taliyayaasha Wasiirka, Agaasime-waaxeedyada iyo xubnaha kala duwan ee waaxda kormeerka.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd sidii loo horumarin lahaa habraacyada kormeerka ee waxbarashada, looguna sameyn lahaa dib-u-habayn iyo qiimayn lagu saxayo meelaha ay ka jiraan baahiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker