Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha oo Tababar u Qabatay Daneeyayaasha Calafka Xoolaha.
Hargeysa (OWN) Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa tababar muhiim ah u qabatay dhammaan daneeyayaasha ka shaqeeya arrimaha calafka xoolaha.
Tababarkan oo diiradda lagu saaray tayeynta, kaydinta iyo isticmaalka calafka, ayaa lagu qabtay si loo kordhiyo aqoonta iyo wacyiga dadka ku hawlan dhaqashada xoolaha.
Wasaaraddu waxay sheegtay in tababarkani qayb ka yahay dadaalka lagu horumarinayo nolasha reer miyiga iyo xoojinta dhaqaalaha xoolo dhaqatada.
Ka qaybgalayaashu waxay si weyn u soo dhaweeyeen fursaddan waxbarasho, iyaga oo ballan qaaday in ay aqoonta ka faa’iidayaan si ay ugu adeegaan bulshada.




