Puntland: Waxaan u dhaqmaynaa sidii dowlad madax bannaan inta laga gaadhayo heshiis rasmi ah
Puntland ayaa sheegtay inay u dhaqmayso sidii dowlad madax bannaan inta laga gaarayo heshiis ku saabsan shuruucda federaalka Soomaaliya, iyadoo dowladaha caalamka taageera Soomaaliya ay ku baaqday in ay ula macaamilaan si lamid ah dowlad madax bannaan.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu ka jawaabay dhaleeceyn uga timid Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macali Fiqi, oo ka falceliyay xaflad lagu taageerayay biyo-xireenka Itoobiya oo lagu qabtay Garowe.
Wuxuu sheegay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, oo uu ku jiro wasiir Fiqi, inay lasoo shaqeeyeen ururrada argagixisada sida Alshabaab, sidaas darteedna aanay xaq u lahayn inay ka hadlaan arrimaha Puntland.
Maalmo ka hor, Puntland waxay si cad uga hor timid nidaamka cusub ee fiisaha online-ka ee ay hirgelisay dowladda federaalka, kaas oo looga baahan yahay ajaanibta inay internet-ka si toos ah uga codsadaan fiisaha Soomaaliya.




